![]() |
|
Waa cudur lafaha daciif ka dhiga oo sababa hoos u dhac caddada fitamin D-ga ee jirka dhexdiisa. Gobalkan Waqooyi-galbeed, gedfuhu waa caadi maxaa yeelay iftiinka qoraxda oo aad ugu yar cunuga maqaarkiisa ama haragiisa.
Dhammaan caruurta kuwa naaska nuuga oo keliya 6 bilood ama ka badan, dhammaan caruurta naaska nuugta oo midebkooda madow yahay, caruurta dhiciska ah iyo dhallaanka naaska laga joojiyay oo cuna qudradda.
Waddada ugu fudud ee ka hortaga gedfaha waa iftiinka qoraxda maaddaama qoraxda ay xadaysan tahay ama ay ku yartahay waqooyi-galkeed, fitamin D waa in la siiyo hal jeer maalinti labada (2-da) sano oo hore.
Fitamin D waxaa laga heli karaa dukaamada warqad dhaqtar la'aan. Waxay ku timaada iyadoo lagu soo dhex diyaariyay fitamino kale (fitamin A iyo C) oo lagu magacaabo Tri-Vi-Sol. Haddii aad haysatid tigidka caafimaadka (medical coupon) weydii dhaqtarkaaga ama xafiiska WIC iney u qoraan fitamin D qoraal sidaan oo kale ah "Caafimaad dharteed waa muhiim gaar ahaan dhallaanka naaska nuuga si looga hortago cudurka lafaha ku dhaca ee gedfaha.
![[The rest of this handout is a drawing
of a baby with rickets. To get a copy of this drawing, with labels
written in Somali, please send an email message to:
hsl at u.washington.edu]](/ethnomed/patient_ed/rickets/somali_rickets.gif)
This patient education material is provided by the Community House Calls project, Refugee Clinic and Children's Clinic, Harborview Medical Center, University of Washington, Seattle, WA.